Hiiraan.com maxay u sheegi waysay magaca wasiirka?

By on March 19, 2012

Bogga Hiiraan.com wuxuu ka mid yahay kuwa ugu caansan bogagga internet-ka ee Soomaalida. Dad aqoonyahanno ah oo Soomaali ah ayaa laga soo xigtay inuu boggani ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan dhinaca qoraalka iyo dhowrista anshaxa warfaafinta.

Sabtidii la soo dhaafay wararkii uu qoray waxaa ku jiray:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda dalkaas 

Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool ayaa kulan muhiim ku qaatay xaafadda City Lorge ee magaalada Cape-town iyagoo kala hadlay wasiirka arrimo dhowr ah, isla markaana talooyin dhaxal-gal ah u gudbiyay waisirka.

Wasiirka ku xigeenka ayaa soo hadal-qaaday xiriirka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladdooda garab-istaaga dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay in muddo dheer ku jireen dagaallo iyo qalalaase siyaasadeed.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray dhibaatada lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool, iyadoo wasiirka la gudoonsiiyay qoraallo muujinaya tacadiyada loo geysto Soomaalida Koonfur Afrika ku nool, sidoo kale wasiirka waxaa la guddoonsiiyay qoraal lagu muujiyay aragtida Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.

Mahad Cumar Cabdi (Mahad Libaax) oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika oo kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xiriirka labada dowladood, isagoo ku tilmaamay go’aankaas taallaabo muhiim ah iyo sida ay fursad weyn ugu tahay Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale, Mahad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool una taagan qabashada xilka safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa hadalkiisa ku daray in dowladda Koonfur Afrika ay horay u soo dhaweysay Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool wuxuuna u mahadceliyay wasiirka.

Kulankani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika qaybaheeda kala duwan, iyadoo la is-dhaafsaday aragtiyo iyo sida loogu dhaqan gelin lahaa xiriirkani cusub ee labada dowladood iyadoo jaaliyada ay muujisay taageero buuxa.

Lifaaqa hoose dhag sii si aad u aragto warkan:

http://www.hiiraan.com/news/2012/Mar/wararka_maanta17-17316.htm

Warkan meelna loogama xusin magaca wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika, waxaana mas’uulka magaciisa aanay xusin la yiraahdaa Ibrahim Ibrahim. 

Magaca qofka la soo xiganayo iyo xilkiisa waa muhiim marka la qorayo wararka, sababta oo ah waa markhaati uu ku qanci karo qofka akhrisanaya xogtaada, marka warbaahinta laga hadlayana waa khasab in qofka magaciisa la sheego haddii aanay jirin sabab diidaysa (haddii aanu qofku ka cudurdaaran in magaciisa la sheego)

Marka aad war ama warbixin ka hesho il-wareed, waxaad u baahan tahay inaad u sababeyso ama u aaneyso qof. Waa inaad akhristahaaga, dhageystahaaga ama daawadahaaga u sheegto magaca iyo xilka qofka aad wareysatay ama aad ka heshay xogta.

Saddex arrimood mid un bay noqon kartaa:

1-   In qofka warka ku siiyay ama aad xiganayso uu ku qanco in la sheego magaciisa (oo aad sheegto xogta iyo qofka ku siiyay labadaba).

2-   Inuu qofku kaa codsado inaad qariso magaciisa sababo jira awgood (oo aad qariso magaciisa, xogtiisana aad isticmaasho) iyo

3-   Inaadan isticmaalin qofka iyo xogta uu siiyayba.

Warbaahinta waxaa wanaagsan inay ka taxadarto oo ay ilaaliso xubnaha uu ku ansaxo warka.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins