Xasan Daahir oo weeraray al-Shabaab (dhageyso)

By on April 1, 2012

[media-credit id=4 align="alignleft" width="219"][/media-credit]Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha ururka al-Shabaab ayaa dhaliilay hannaanka maamul ee madaxda iyo falalka ay maleeshiyadu ku dhibaateyneyso bulshada.

Xassan Daahir oo ka hor hadlay jamaaco ku tukaneysay masjid ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa  hoggaanka ururka ugu yeeray inaanay is laheysiinin jihaadka iyo islaanimmada.

Hoggaamiyihii hore ee ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray al-Shabaab ayaa tilmaamay in islaannimada aanay koox iyo shaqsiyaad gooni ah wakiil ka noqon karin, waxaanu qalad ku tilmaamay in dadka lagula diriro afkaartooda.

Xasan Daahir Aweys waxa uu kooxda kula taliyay inay ixtiraamto dadka islaamka ah, isla markaana la joojiyo hanjabaadyada iyo  dilalka lagula kacayo dadka ka soo horjeesta fikradaha al-Shabaab.

Dhageyso hadalka Xasan Daahir:

Xasan Daahir oo weerarray al-Shabaab

 

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins