Mas’uuliyiin lagu dilay qarax ka dhacay tiyaatarka Muqdisho

By on April 4, 2012

Dad ku dhow 10 qof ayaa inta la og yahay ku dhimatay, 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaallada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu xusayay sanad-guurada koowaad ee dib u furinta Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Dadka dhintay waxaa ku jira guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow, guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Saciid Maxamuud Nuur iyo dhowr qof oo kale oo uu ku jiray abwaan lagu naaneysi jiray Qabyaalad-diid.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, weriyeyaal ka howlgala idaacadaha Muqdisho iyo dad kale oo badan.

Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka qeyb galay xafladda, laakiin wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa.

Qaraxa waxaa la sheegay inay fulisay haweenay isku soo xirtay waxyaabaha qarxa.

Telefishinka qaranka Soomaaliyeed ayaa u dabbaal-degay maanta sanad-guuradii 28-aad ee markii la aas-aasay iyo sanad-guuradiisii koowaad ee markii dib loo howlgaliyay.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins