Qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday Malta

By on April 16, 2012

Dad qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo Eriteriyaan oo ku sugnaa jasiiradda Malta ayaa loo kala qaaday dalalka Mareykanka, Norway iyo Denmark.

Dadka qaxootiga ah ee la qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 23 qof.

Waa markii ugu horreysay oo qaxooti ku sugnaa Malta loo qaado Denmark.

Jasiiradda Malta oo ku taalla koonfurta qaaradda Yurub ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku qulqulayay tahriibayaal Soomaali ah oo ka baxa xeebaha dalka Liibiya si ay u galaan dalalka Yurub.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins