- Dhalasho Farxad lehPosted 2 days ago
- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 86 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 94 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 99 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 99 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 102 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 104 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 104 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 106 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 106 days ago
Weli kuuma ooyin
Saaxiibbo isku meel ku koray baan ahayn. Waxaan kugu sugi jiray deerka guriga si aad u soo xaluulato kaddibna waxaan u dhuuman jirnay dibadda si aan kubbadda cagta u soo wada ciyaarno. Waxaan ku baray nolosha, dadka iyo deegaanka igu xeeran, adiguna sidoo kale baad yeeshay.
Waad xasuusataa markii aynu aadi jirnay xeebta Liido si aan ugu soo dabaalanno. saacado baynu halkaa joogi jirnay, innagoo daawaneyna da’da naga weyn oo hadba dhinac uga baxaysa badda. Waxaan sidoo kale kor ka daawan jirnay da’da naga weyn ee xeebta qarkeeda hore banooniga ku ciyaaraya. Sida mar mar dhici jirtay, banooniga ayaa dhinaceenna u soo bixi jiray, innaguna waynu la baxsan jiray si aan ugu ciyaarno, laakiin way nasoo qaban jireen maadaama ay naga orod badnaayeen.
Maankeygu siduu qabo, maynan kala duwaneyn. Weligey ma ogaan qabiilka aad tahay. Isku saxan baynu wax ku cuni jirnay, isku koobna waynu ku cabbi jirnay. Waxaad aheyd saaxiibkey. Waxaynu wadaagnay jaceylka aynu u qabnay kubbadda cagta iyo heesaha.
Waxaynu ka doodnay, falan-qeynayna Xasan Aadan Samatar, Hibo Nuura, Tubeec iyo heesahooda. Waxaynu xitaa ka doodnay Singub iyo riwaayadihiisa. Siduu waqtigu u socday, waa taynu billownay inaan u dhuumanno xafladaha aroosyada iyo casuumadaha deriska, sidoo kalena aan la qoob ka ciyaarno hablaha naga weyn. intaa kuma aynan ekaanine, waynuba la haasaawnay. Noloshu sidaa bay aheyd. Kaddib, waxaan u baxay dugsi hooy leh oo aan ku xareysnaa sanado. Waxay aheyd markii isugu keen dambaysay aragti ahaan.
Cabdullaahi, weligey kuuma ooyin. Welina ma ogaan sababta ay kuu dileen iyo sida aad u dhimatay. Maynan kala duwanayn. Weligey ma ogaan inaad aheyd qabiilka aad ahayd, anna aan ahaa qabiil kale. Miyey macno noo samaynaysay ogaanshaheeda?
Hadda, waxaan dhamaynayaa qorista fariintan gaaban. Ilmo ayaana ka socota indhaheyga. Waxaan rabaa inaad ogaato in aanan cag dhigin xaafaddii iyo meelahii aynu ku ciyaari jirnay ilaa goortii aynu kala tagnay. Waan u adkaysan la’ahay inaad iga maqan tahay, oo aadan ii soo noqon doonin. Sidaas darteed, socod baan ku jiraa ilaa markii, anigoo isku dayaya in aan hilmaamo inaad ahaan lahayd 31 jir sideyda oo kale.
Waxaa dib u qoray, saxay, tifaftirayna Muxyadiin Axmed Rooble. akhriste, xasuusnoow in aan boggan kuugu talagalnay si aad noola wadaagto waayahaada nololeed iyo xasuusahaada farxad iyo murugo labadaba. Waxaan tixgelin gaar ah siinaynaa sheekooyinka ka hadlaya sida ay dagaalladu u saameeyeen nolosha dadka Soomaalida ah. Qasab ma ahan in magacaaga lagu daabaco sheekada, waxaynu kaa caawin karnaa dib u qorista sheekadaada, annagoo farshaxamaynayna.

Juneydi xaji
April 24, 2012 at 2:28 pm
Wa sheko ad iyo ad uqira badan kuguna abuu reeyso xasus iyo inad dib u eegto waxii kusoo maray ma sha allah