- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 59 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 67 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 72 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 72 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 75 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 77 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 77 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 79 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 79 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 88 days ago
Faaqidaadda kulanka Real Madrid iyo Bayern Munich
Lugta labaad ee semi-finalka koobka kooxaha Yurub ee Champions League ayaa caawa Real Madrid waxay garoonkeeda Santiago Bernabeu ku marti-gelineysaa kooxda Bayern Munich oo guul ka heshay lugtii hore ee ay wada cayaareen.
Bayern Munich waxay garoonka soo galeysaa iyadoo maanka ku heysa in labo gool iyo gool ay lugtii hore ku soo badisay, halka Real Madrid ay ku tashaneyso gool ay bannaanka ku soo dhalisay iyo taageereyaasheeda oo garoonka sacab iyo sawaxan kula garab taagan.
Real Madrid waxaa caawa laga yaaabaa inuu dhaawac feysha ka soo gaaray uga maqnaado Carvalho oo daafaca dhexe uga ciyaara, halka ay Bayern Munich ka maqan yihiin Daniel Van Buyten iyo Breno oo cagta iyo jilibka ka kala dhaawacan.
Real Madrid horyaalka Yurub xilligan marna loogama adkaan garoonkeeda, 11 kulan oo ay ciyaartayna 10 ka mid ah ayay badisay, taana waxaa sii dheer Bayern Munich labo jeer oo keliya ayay Real Madrid uga adkaatay Spain.
Bayern Munich waxaa digniino (calaamadda jaallaha) ka qaba Philipp Lahm, Holger Badstuber, David Alaba, Jerome Boateng, Toni Kroos, Luiz Gustavo iyo Thomas Muller oo afar ka tirsan laga yaabo inay ciyaarta billowgeeda soo galaan, haddii digniino kale la siiyo way maqnaanayaan haddii ay gaaraan kulanka final-ka ee Munich.
Real Madrid sidoo kale waxaa digniino loo diiwaan-geliyay Gonzalo Higuain, Xabi Alonso, Sergio Ramos iyo Fabio Coentrao oo saddex ka tirsan ay suuragal tahay inay billowga soo galaan, haddii iyagana digniino kale loo diiwaan-geliyo way seegayaan final-ka haddii ay u gudbaan.
Tii labadooda adkaata waxaa final-ka ku sugeysa Chelsea oo reebtay kooxda heysata koobka loo tartamayo ee Barcelona oo ay 3-2 goolasha wadarta ah (aggregate goals) uga badisay.
Bayern Munich haddii ay final-ka gaarto waxay u noqoneysaa markeedi sagaalaad, 8 jeer oo ay horey u gaartay 4 jeer ayay ku guuleysatay (1974, 1975, 1976, 2001, 1982, 1987, 1999, 2010), halka ay Real Madrid 12 jeer oo ay final-ka Champions League gaartay ay 9 jeer qaadday (1956, 1957, 1958, 1959, 1960, 1966, 1998, 2000, 2002 1962, 1964, 1981).
Real Madrid waxay heysataa taariikhda kooxda keliya ee shan jeer oo isku xigta qaadday Champions League, waana shantii sano ee ugu horreysay tartanka, (1956, 1957, 1958, 1959, 1960), halka ay Bayern Munich afarta koob ee ay heysato saddex ka tirsan ay qaadday sanado xiriir ahaa (1974, 1975, 1976).
Viktor Kassai ayaa ciyaarta dhexdhexaadin doona, calan-wadeyaasha koowaad iyo labaad waa Gebor Eros iyo Gyorgy Ring, calan-wadeyaasha dheeraadka ah ee labada gool isha ku heyneysa waa Istvan Vad iyo Tamas Bognar, halka garsooraha keydka uu yahay Mihaly Fabian, garsoorka dhammaantoodna waxay u dhasheen Hungry.
Fiiro gaar ah: Sanadaha farta buur-buuran ku qoran waa inta jeer oo finalka looga adkaaday koox kasta.

Idiliito
April 25, 2012 at 7:30 pm
bayern ayaa badindoonta caawa waxayna kubadin doona 2-1 realmdarid
@Abdulsamad.
April 25, 2012 at 7:55 pm
Waxaan rajaynaynaa haddii aan nahay taageerayaasha Maringe ee Real Madrid in aan final imaanno, haddii ay noo suurtagasho waana dedaalayaan caawa cayaaryahaannada, waxaana ku soo badin doonnaa 3-0 Viiiiiiiiiiva Real Madrid.
MAAN HADAL
April 25, 2012 at 8:28 pm
waxaa caawa badinaya Bayern München
waxaa haraya Real Madrid
1.2
Ýõů Âlĭ Hââjĭ
April 25, 2012 at 8:38 pm
waxaa badinaayo real madrid 4-1 Bayern Munich