Aabbe Ceeboobay!

By on May 3, 2012

Adduunku wayga hiilliyay. Nasiib-darraduna wehel bay ii aheyd. Waxaan ahay madi. Shan jirkeygii baan goobjoog u noqday aaska hooyadey. aabbena safar buu nooga maqnaa, laakiin weligeyba kama helin xannaano. In tirsan baynu kulannay oo wuxuu ahaa nin reer ka dhigtay baabuur wadis, hadbana Muqdisho ayuu dhinac uga baxayay.

Si kastaba ha ahaatee, islaan ay hooyadey saaxiibbo ahaayeen baa ila wareegtay, una sheegtay aabbe in iyada laygala dardaarmay. Kama uusan diidine, horey buu u socday, dibna uma soo noqon. Inkastoo hooyadeyda labaad ay aheyd qof fiican, si wanaagsanna ii xanaanaysay, haddana maysan daweyn karin dhaawaca iga soo gaaray waalid la’aanta. Waxaan ku koray nolol geeri go’an ah, maalmaha qaar waan ilmayn jiray, haba ugu sii darnaato marka aan carruurta dariska is qabanno oo ay igu yiraahdaan “wacal”.  Aabbe iyo hooyo la’aan baan ku koray.

Marar badan baan ka ciishooday in aanan ka mid noqon dadka ay wiiftadu (rasaasta habowga ah) ku laysay degmada Wadajir. “Fiicnaan lahaydaa adigoo iska dhinta”, ayaan is dhihi jiray. Haddiise ay taa dhici laheyd, yaaba akhrin lahaa qoraal xasuuseedkan kooban.

Soo noqosho la’aanta aabbe waxay igu aheyd huq igu taagan. Waxaan saacado badan fadhin jiray albaabka guriga, anigoo sawiranaya inuu aabbe soo socda oo uu imaanayo. maalin weliba waxaan sugi jiray inuu iga soo hor bixi doono oo uu hab I siin doono. Ma maleyn inuu dhintay, maxaa yeelay waxaan rumaysnaa in aan wax ka duugi lahaa sida hooyadey. Muxuuse u soo noqon waayay? taas jawaab uma helin.

Waan qaan-gaaray oo toban sano baa ka soo wareegatay aaska hooyadey iyo maqnaashaha aabbe. Maalmaha Jimcaha iyo Khamiista waxaan ku wareegi jiray boosteejooyinka ay ka baxaan baabuurta u safarta Baladweyne ee ka baxda Xamar. Wardoon baan ahaa sababtoo ah way xanuun badan tahay gabar qaan-gaar ah oo aan aabbaheed meel ku sheegin. Waanse hungoobay kaddib markii aan dhowr sano waayay cid warkiisa sheegta.

Nolol kale baan u jeestay. Inkastoo aan ciil iyo murugo ku koray, quruxdayda ma duugoobin. Faanna ha noqota’e, noolihii I arkaaba wuu iga helaa. Dugsiga sare baynu ku kulannay Cubayd. Wuxuu ahaa wiil naxariis badan, si wanaagsanna waynu isu fahannay. Dabcan, labadayaduba guurdoon baan ahayn. Waxaan isku af-garannay inaan is guursanno.

Dugsiga sare baynu isla dhammaynay. hooyadey baan u sheegay in lay soo doonayo. Hooyo waxay wargelisay adeerkey (saygeeda). Gogasha gurigeenna waxaa ku diyaar ah adeerkey iyo labo wiil oo la dhashay hooyo (islaanta I soo korisay). Waxaa la soo dhoweeyay odayaashii Cubayd ka socday oo uu jiro aabbihiis. Sida dhaqanka ah, aniga iyo hooyaba qeyb kama aheyd soo dhoweyntooda oo waxay ahayd shaqo rag.

Cubayd wuxuu doonayay inuu si gaar ah ii baro aabbihiis ka hor meherka. Waxaa fadhiga odayaasha si wadajir ah uga soo baxay isaga iyo aabihiis oo wada qoslaya. Aniguna waxaan ka eegayay daaradda guriga oo aan ku sugayay si aan isugu baranno una salaamo.

Hal mar bay indhaheennu isku dhaceen. Wax baa dhacay aan la jecleysan! Qofba (aniga iyo Cubayd aabbihiis) dhankiisa buu oohin ula jeestay. Cubaydna af kala qaad baa ku dhacay oo wuu naga yaabban yahay. Dib baan ugu cararay qolkeyga, anigoo qeylinaya.

Qof weliba orod buu uga soo baxay fadhiga. malaha qof kasta wuxuu is lahaa geeri baa dhacday, geerise ka xun. Oday Cismaan waa ceebaysan yahay, wuuna u jawaabi la’yahay dadka weydiinaya su’aalaha, anigana hooyo iyo islaamo kale baa igu tuursan.

Si kastaba ha ahaatee, Cismaan wuu hadlay oo wuxuu shaaca ka qaaday inuu noqday aabbe ceeboobay, ilaa markaa aniga un baa og ceebtiisa. Gabar iyo wiil uu dhalay buu isu doonay oo uu meherkoodi dhici lahaa. Qof weliba af-kala-qaad baa ka soo haray ileen Cismaan waa aabbe ceebaysane.

Daqiiqado ka hor Cismaan oo lagu waday inuu noqdo soddagey, hadda waa aabbahey. Cubeydna ma noqon saygeyga’e, waa walaalkey. Hadda madi ma ahi.

Aabbe, si kastoo ay u xanuun badan tahay waxa aan dartaa u mutay, cafis baad iga tahay. adiguna isku day inaad naftaada cafiso.

FIIRO GAAR AH: Magacyada waa la beddelay si loo ilaaliyo aqoonsiga shakhsiyaadka lagu xusay sheekada.

AFEEF: Waxaan ka afeefanaynaa, kaana raalligelinaynaa haddii ay sheekadan oo kale ku qabsatay, balse taadii ma aynan qorin. Ku talagal kuma dhicin ee qisooyinka ayaa is yeeshay.

XASUUS-QOR: Waa qoraal ay SomDaily ugu talagashay inaynu ku wadaagno sheekooyinka nolosha Soomaalida raadka ku leh farxad iyo murugo labadaba. Waxaan kugu dhiirri-gelinaynaa inaad noo soo qorto xasuusahaaga nololeed. Khasab ma ahan in magacaaga lagu daabaco sheekada, waxaynu kaa caawin karnaa dib u qorista sheekadaada, annagoo farshaxamaynayna. Waxaan tixgelin gaar ah siinaynaa sheekooyinka ka hadlaya sida ay dagaalladu u saameeyeen nolosha dadka Soomaalida ah. Noo soo dir sheekadaada adigoo dhag siinaya halkan.

Waxaa dib u qoray, saxay, oo tifaftiray Muxyadiin Axmed Rooble oo ka tirsan bahda  faaf-reebka iyo lafa gurka ee SomDaily.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins