- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 60 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 68 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 72 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 72 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 75 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 77 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 77 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 79 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 79 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 88 days ago
Intay kala xadayaan may kala xigtaan!?
Tiirarkii nidaamka iyo kala dambeyta ee Soomaaliya way isku dhex dumeen, mid wax isku hayn kara oo taaganina ma jiro, taas oo xitaa saameysay baraha internet-ka oo ay ku soo bateen bogag si garowshiyo la’aan ah u minguuriya warar iyo sawirro ay bogag kale leeyihiin iyagoo ku xadgudba ciddii asalka u lahayd oo aan waydiisan kuna xusin, waata la yiri ‘nimaan xishooneyn adduun xaal kama raaco’.
Furashada mehrad yar oo ganacsi way kala sahlanaatay dad badan inay ku xoogsadaan baro ay ka suntadeen internet-ka iyagoo aan aqoon u lahayn mihnadda warfaafinta. Adigaba boqol website oo aad taqaanno isku fiiri oo qiimey farqiga u dhaxeeya, qaab-dhismeedkooda, qaanadahooda iyo waxa ay qoraan, waxaad ogaanaysaa kutalagal dhaafsiisan laab-la-kac inuusan jirin, tiiyoo shaqada war isku keenidda, xaqiijinta, qurxinta iyo si xirfadeysan u qoridda ay u baahan tahay aqoon iyo waaya-aragnimo.
Ka warran haddii aad dukaan furato oo aad ku sharraxato alaab qaali ah oo aad helisteeda lacag badan iyo waqti ku soo bixisay, adigoo aan ogeyn haddii uu dukaanle kale kaa xado, kaddibna uu isla alaabtaadii ku sharraxdo dukaankiisa oo kaa soo horjeeda, sidee baad dareemi lahayd? Tallaabo noocee ah baadse qaadi lahayd?.
Sheekada waxaan ku keenay boggaga internet-ka ee af-Soomaaliga wax ku qora waxay leeyihiin iin ama caado xun oo ah inay kala xadaan wararka. Qaar baa min-guuriya xog uu website leeyahay, kaddibna sideedii u soo qora iyagoo magacooda ku hoos saxiixa, iskaba daa inay xaqlaha magaciisa sheegaane, qaar kale baa la soo shir taga iyadoo sawirradeedii wadata cidna kuma xusaan, qaarna wax yar oo isbeddel ah bay ku sameeyaan, tabahaas oo dhammaantood sharci-darro ah.
Qofaf bay waaberi kasta shaqadooda noqotay inay soo xaabsadaan warar ay dad kale ku soo dhidideen oo laga yaabo inay naftooda halis ugu bareereen sidii ay iyagoo sugan bulshada ugu soo gudbin lahaayeen. Way dhici kartaa meelaha qaar inuu hal weriye dhowr bog u kala diro qoraallo isku mid ah, waase wax xirfadda ka baxsan.
Xatooyadu mar waxay cuuryaamisaa aqoontaada, mar waxay horseeddaa inay maskaxdaada caajisto, waxay kaa hor istaagtaa sameysashada macaamiil (akhristayaal) kuu gaar ah oo joogto ah, mar waxay dadka ku abuurtaa jahawareer ku salaysan lahaanshaha xogta asalka ah, marna qofka waxay garansiisaa inaad tahay ismalure aan hal-abuur lahayn, oo haddana aan ceebsanayn xatooyada xogaha ay dadka kale geliyeen maskaxda, muruqa iyo maalka.
“Waxaan aaminsanahay dadka sidaas u dhaqma inaysan aqoon u lehayn dhowrista xuquuqda-lahaanshaha sawir ama qoraal, taas oo ku xadgudubkeeda lagu muteysto maxkamad” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Aadan (Siiddii) oo ah tifaftiraha wariyaha.com.
Qalin wax ku boob iyo xaq-darro inta aad wax ku doonayso sumcad iyo magac aad kasbato iska daaye qof ku aamina ma heli doontid. Waa iga talo ee website-ka iska xir haddii aadan aqoon sida wax loo qoro ama aragtiyo cusub loo hindiso, taas baa muuno dhaanta inaad bililiqo ku-noole noqoto, weliba aad maamuus nooga filato, axsan karaankaagu hadduu kuu gaaro shaqaale xirfad leh qoro.
Waxaan ku hanweynahay inay warfaafinteenna yeelato nidaam wararka ama sawirrada lagu kala iibsado iyo inay cid kasta yeelato warar iyo xogo u gaar ah, waase haddii aad nala garan karto oo intaad mugdiga ka soo baxdo aad buug iyo qalin qaadato, una kuurgasho sida ay warbaahinta adduunka iskula macaamisho marka ay akhbaarta iyo dhabqalallada ama sawaabka kala qaadanayso.
Waa sharaf inaad akhristahaaga u sheegto meesha aad xogta ka soo xigatay. Waa xeer dunida ka jira in wax la kala xogto codsi iyo gadashaba, maadaama meelaha ay wararka ka dhacayaan lagu kala dhow yahay. Ballanteennu waa inaan wax kala xiganno intii aan kala xadi lahayn.
Qore: Abdirahman Taysiir

7 Comments