- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 64 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 72 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 76 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 76 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 79 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 81 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 81 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 83 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 83 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 92 days ago
Googgaaleysi

Su’aasha maanta aan dhex dhigeyno akhristayaasha waa sida soo socota:
GOOGGAA: Waxaad sheegtaa wax cirka tiir ku leh, dhulka taar ku leh, tunka sharrax ku leh, oo tagoogo orgi leh?
Jawaabta haddii aad hayso waxaad ku soo qortaa qeybta comment-ga ee website-ka adigoo ku jira Facebook. Aragti, talo ama su’aal haddii aad noo haysana noogu soo dir emailka: somdaily@gmail.com.
Fadlan marka aad jawaabta isku dayayso noo soo qor magacaaga oo saddexan iyo meesha aad joogto.
Dadka haleela jawaabta saxda ah waxaan magacyadooda ku soo daabici doonnaa qeybta Googgaaleysiga ee website-ka, marka aan soo qoreyno su’aasha xigta. Sidoo kale haddii la waayo cid si sax ah uga jawaabta, waxaan jawaabta su’aashii hore soo raacin doonnaa marka aan soo daabaceyno su’aasha xigta.
Qof kasta oo isku dayi kara inuu ka qeyb qaato googgaaleysiga SomDaily waan soo dhoweynaynaa.

ismaaciil yare
August 25, 2012 at 1:02 pm
waaa tukahaa aqyaarta
c.laahi daahir
August 24, 2012 at 6:59 pm
cadale waa qaanso roobaadka ama keeyn roobaad
munasar abdi shire
August 24, 2012 at 10:52 pm
smlh hadii an isku dayo wax cirka tiir ku leh dhulka tiir ku leh tagoga orgi leh waa qoraxda
hadii an ka jawabin noga faidey sxb mahadsanid
fitax
August 24, 2012 at 10:53 pm
waa gor gorka
fitax
August 24, 2012 at 10:56 pm
sxb waa bahal ladhaho gor gorka waxaan joogaa sweden akhii
Adam Mohammud Hassan
August 24, 2012 at 10:58 pm
Waa cadceeda ama qorraxda hadba sida aad utaqaan
Hussein
August 24, 2012 at 11:04 pm
waa Dabaysha
maxamed shukri abdi
August 24, 2012 at 11:08 pm
WAA qoraxda ama cadceedaninba sida uu uyaqaano
maxamed shukri abdi
August 24, 2012 at 11:10 pm
WAA QORAXDA AMA CADCEEDA ninba sida uu uyaqaano
iowa USA
mustafe.khartoum
August 24, 2012 at 11:36 pm
walaalayaal marka hore waad mahadsatihiin hadan isku dayo jawaabta waa shimbirka loo yaqano gorgorka ama (coomaadiga) ok thns
Suleiman Osman
August 24, 2012 at 11:39 pm
Waa dabaysha, gaar ahaan dabeysha wakhtiga jiilaalka ah dhacda ee cirka isku shareerta, iyadoo sida usha udhuuban, oo aan kala firidhsanayn.
King nuur daacad
August 24, 2012 at 11:47 pm
Waxaan joogaa malaysia
Hadii aan isku dayo jawaabta waaa “DABAYSHA
saacid cadde
August 25, 2012 at 12:25 am
sxb hadii aan kuu sheego waa dabeysha hana qishin ee waxaa sheegtaan asxaabta googaaleysiga NIN GABOOBAY OO AAN GUDNEYN OO GARKU CADAADAY OO XILO KU GOWRIIRSADAY OON CEEB WELI GAARIN jwbta waa idinka sugaa
sucaad
August 25, 2012 at 1:01 am
waa gor gorka
Nabadoon Fajsal
August 25, 2012 at 3:11 am
Waa Dabaysha Iyada oo shaki la’aan ah