- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 57 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 65 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 70 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 70 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 72 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 74 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 75 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 77 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 77 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 85 days ago
Jawaabtii shalay iyo googgaaleysiga cusub
Jawaabta googgaaleysigii shalay waxaa isku dayay akhristayaal ay tiradoodu ka badan tahay 20 qof.
Googgaaleysigii shalay wuxuu ahaa waxaad sheegtaa wax maantoo dhan ooynaya oo aanay ilmo ka imaanayn?
Jawaabta saxda ah waa KOORTA oo ah dawan geed ka sameysan oo xoolaha qoorta looga xiro.
Waa kuwan magacyada 7 akhriste oo haleelay jawaabta saxda ah:
Warsame Ibraahim Caydiid oo jooga Buuhoodle
Maxamed Cabdi oo jooga Muqdisho
Axmed Cali oo jooga Norway
Maxamed Cali Maxamed oo jooga USA
Maxamuud Nuur Mukhtaar oo jooga Lagos Nigeria
Su’aasha maanta aan dhex dhigeyno akhristayaasha waa sida soo socota:
GOOGGAA: Waxaad sheegtaa wax lebi ka booda oo laan ka booda oo libaax caac ka siiya
Jawaabta haddii aad hayso waxaad ku soo qortaa qeybta comment-ga ee website-ka adigoo ku jira Facebook. Aragti, talo ama su’aal haddii aad noo haysana noogu soo dir emailka: somdaily@gmail.com.
Fadlan marka aad jawaabta isku dayayso noo soo qor magacaaga oo saddexan iyo meesha aad joogto.
Dadka haleela jawaabta saxda ah waxaan magacyadooda ku soo daabici doonnaa qeybta Googgaaleysiga ee website-ka, marka aan soo qoreyno su’aasha xigta. Sidoo kale haddii la waayo cid si sax ah uga jawaabta, waxaan jawaabta su’aashii hore soo raacin doonnaa marka aan soo daabaceyno su’aasha xigta.
Qof kasta oo isku dayi kara inuu ka qeyb qaato googgaaleysiga SomDaily waan soo dhoweynaynaa.

fardowsa
August 28, 2012 at 9:04 pm
asc wr wb magaceygu waa istahil xuseen waxan jooga swedan hadan isku dayo su asha waa xuunka
Daadir
August 27, 2012 at 8:35 pm
Jawaabta waa kaneeco
cabdi fitaax cali
August 27, 2012 at 8:58 pm
waxan joga sudan waana xabadda sey ila tahay
sucaad
August 27, 2012 at 9:02 pm
sucaad maxamud – denmark
waa xabada
axmed aar balcad
August 28, 2012 at 1:48 pm
asc wr wb magaceyga waa ahmed hussein waxana jogaa south africa hadaa isku dayo waaa xabada
Abidirazak Hassan
August 28, 2012 at 1:48 pm
Jawaabta waa BOODDO
Abdirazak Hassan
Sweden.