Del Piero oo ku biiray Sydney FC

By on September 5, 2012

Alessandro Del Piero

Kooxda kubbadda cagta Sydney FC ayaa xaqiijisay inay heshiis la saxiixatay Alessandro Del Piero, taas oo ka dhigan inay la wareegtay cayaaryahankii ugu heer sarreeyay taariikhda kooxda.

Waxaa lagu wadaa inuu Sydney FC oo ka cayaarta horyaalka Australia u saxiixo heshiis labo sano ah.

Alessandro Del Piero oo 37 jir ah ayaa dhowaanahan sidoo kale lala xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Southampton ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Del Piero ayaa ka tegay naadiga Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga oo uu u saftay 700 oo kulan. Qaranka Talyaaniga wuxuu u cayaaray 91 jeer.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins