Weli waan ilmeeyaa!

By on September 6, 2012

Waan xusuustaa subixii aan Cumar isbarannay isagoo Muqdisho ku cusub. Degmada Shibis ayay ahayd meeshii ugu horreysay ee aan isku gacan-qaadnay (salaannay) heerkii ay gaartay saaxiibtinnimadii na dhex martay iyo waqtigii aan isla soo qaadannay baan weli maankeyga ka go’in.

Bashaashnimadiisa darteed baan isku barannay. Gurigeyga hortiisa anigoo subax taagan buu I salaamay, isna kay baray, kaddibna waxaan noqonnay labo nin oo saaxiibbo ah oo isku fiican. Muqdisho maadaama uu ku cusbaa waxaan ka caawiyay inuu magaalada kala barto.

Waan isla jaan-qaadnay, waxaan isla soo qaadannay ayaamo xusuus mudan. Waxbarashada waan ku mataanownay, cayaaraha iyo madaddaallooyinka kalena waan iskula jirnay, saaxiibbo ay ka dhaxeeyaan waxyaabo badan baan ahayn.

Dhowr sano kaddib waxaan u soo dhoofay Kenya, anigoo ka xun inaan ka soo dheeraado saaxiibkay, laakiin waan ku khasbanaa waayo waxay ahayd arrin qoyskeenna ka timid. Qorshuhu wuxuu ahaa inaan u sii dhoofo Canada, halkaas oo ay joogeen walaalahay iga waaweyn.

Bilo yar markii aan Kenya joogay ayaa xilli barqo ah waxaa telefoonka igala soo hadlay Cumar oo ilmeynaya, wuxuu ii sheegay in qoyskiisii oo dhan ay ku dhinteen dagaal ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, waan uga tacsiyeeyay musiibada ku dhacday, waxaana ku qalqaaliyay inuu isaga soo tago Soomaaliya oo uu iigu yimaado Kenya.

Sidii baan yeelnay oo safar dheer oo dhibaato badan kaddib Cumar way u suuragashay inuu ii yimaado, lacagta yar ee biilka ah ee la ii soo diro baan wadaagi jirnay. Kama aanay badnayn kirada qolka aan deggannahay iyo labo waqti oo cunno ah maalintii iyo habeenkii.

Muddo yar markii aan isla deggeneyn Cumar wuxuu u qaatay inuu igu hayo ciriiri dhaqaale, dhowr jeer buu arkay anigoo aan awoodin inaan dhar iyo waxyaabo kale iibsado, mararka qaar waxaa dhici jirtay inaan telefoonka ku shuban waayo shilimaad kaarka ku-hadalka ah.

Saaxiibkay anigoo aan ka war-hayn buu dalbaday in loo iibiyo boos uu aabbihiis ku lahaa Buulo-burte, kaddibna isagoo aan ii sheegin buu safar qarsoodi ah galay. Muddo ayaan warkiisa waayay. Maalmo badan baan ku wareegay saldhigyada iyo isbitaallada Nairobi, anigoo ka walwal-qaba inay wax gaareen ama la xiray.

Waxaan murugoodo oo aan habeenno badan hurdo iska waayo, bil markii ay ka soo wareegatay ayuu galabtii dambe igala soo hadlay Liibiya, wuxuu ii sheegay inuu joogo Tripoli balse uu isla habeenkaas doon raacayo si uu tahriib ugu galo Talyaaniga.

Doontii uu la socday way qallibantay waxaana website-da ka akhristay inaanu qofna ka badbaadin. Naxdin kale oo lama illaawaan ah bay igu noqotay. Toddobaadyo ayaan tiiraanyeysnaa, balse markii dambe waxaan niyaddeyda ku samirsiiyay inay geeridu xaq tahay oo qof kasta ay ajashu sugayso.

Weli waan ilmeeyaa markaan xusuusto saaxiibkay Cumar. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed baa sidiisa oo kale ugu halaagsantay bado fogfog iyagoo raadinaya nabad iyo nolol.

Qofka ay kheyso sheekada oo codsaday inaan magaciisa la adeegsan ayaa SomDaily u soo diray xogta. Waxaa saxay, tifaftiray oo dib u qoray Cabdiraxmaan Xuseen Furre (British).

About SomDaily

3 Comments

  1. Ismail Ibrahim

    September 8, 2012 at 5:18 pm

    إنا لله وإنا إليه راجعون.
    اللهم ارحم موتانا وموتى المسلمين.

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins