- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 63 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 71 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 75 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 75 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 78 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 80 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 80 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 82 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 82 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 91 days ago
Barcelona oo xiisaynaysa Ramos
Kooxda kubbadda cagta Barcelona ee dalka Spain ayaa xiisaynaysa xiddiga garabka midig iyo daafaca dhexe uga cayaara kooxda Real Madird, Sergio Ramos.
Madaxa kooxda Barcelona, Sandro Rosell ayaa sheegay inay suuragal tahay inay si lama filaan ah ula wareegaan Ramos, inkastoo uu xusay inay adkaan karto.
Ramos ayay saxaafaddu hadal-haysaa inuu ka tegayo Real Madrid, waxayna hadal-haynta xoogaysatay markii cayaaryahanka kursiga kaydka la fariisiyay cayaartii ay kooxdiisa la yeelatay Manchester City, kulan ka tirsanaa koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League.
Javier Saviola ayaa ugu dambeeyay cayaaryaha ay la kala wareegaan labada koox. Sanadkii 2007 ayuu Saviola Barcelona uga biiray kooxda Real Madrid, iyadoo wadarta cayaartoyda ay labada koox si toos ah ula kala wareegeen ay gaarayaan 20 cayaaryahan.
Labada koox cadaawad xoog leh oo xagga cayaaraha ah ayaa ka dhaxeysa.
