- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 64 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 72 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 76 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 76 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 79 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 81 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 81 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 83 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 83 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 92 days ago
Isticmaalayaasha Facebook oo gaaray billion
Madaxa iyo aasaasaha bogga isku xirka bulshada ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa ku faafiyay bog uu ku leeyahay Facebook war uu ku sheegayo in dadka isticmaala shabakaddiisa ay gaareen hal bilyan oo qof.
Mark Zuckerberg ayaa u mahadceliyay dadka isticmaala Facebook, wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ay shabakaddu u noqon lahayd barta ugu wanaagsan ee lagu kulmo, isla markaana uu gaarsiin doono horumar maalinba maalinta ka dambeysa.
Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii dadka isticmaala bogga ay gaareen 955 milyan oo qof, waxayna ku qaadatay afar bilood inay shabakaddu hesho hal bilyan oo isticmaale.
Facebook oo hawada la geliyay bishii February ee sanadkii 2004 ayaa helay intii uu jiray LIKES gaaraya 1.3 trillion, waxaana lagu wadaagay 219 milyan oo sawir. Waa bogga ugu shacbiyadda badan bogagga ay bulshadu ku xiriirto.
Cabdalle Xaaji Geedi (Geedi Yare)
