Waa kuma raysul wasaare Shirdoon?

By on October 6, 2012

Ninka loo magacaabay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon wuxuu sanadkii 1958-kii ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wuxuu bishii May ee sanadkii 1983-kii ka qalinjebiyay kuliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS). Wuxuu sanadkaas kaddib muddo saddex sano ah la soo shaqeeyay wasaaradihii ganacsiga iyo maaliyadda ee Soomaaliya.

Shaqooyinkaas markuu joojiyay wuxuu billaabay inuu ka qeyb qaato ganacsiga gaarka loo leeyahay. Markii ay billowdeen dagaalladii sokeeye sanadkii 1991 wuxuu u guuray dalka Kenya.

Wuxuu wax ka soo aasaasay shirkado ganacsi oo lagu kala magacaabo Shirdon International Ltd, Shitraco iyo Shaam.

Intii uu dalku burburka ku jiray wuxuu si gaar ah ula socday arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Toddobo bilood ka hor oo ku beegnayd bishii March ee sanadkan 2012 wuxuu noqday guddoomiyaha Golaha Rajo (Rajo Forum).

Raysul wasaare Shirdoon waxaa ooridiisa ah xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo si weyn loogu yaqaanno arrimaha siyaasadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowrka ay ku leedahay dhaqdhaqaaqyada ururrada bulshada rayidka ah.

Wuxuu noqonayaa raysul wasaarihii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato muddo 12 sano ah. Wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 waxaa dalka soo maray raysul wasaareyaal badan oo hoggaaminayay xukuumado kumeel gaar ah.

Cabdiqaadir Faarax Shirdoon waxaa hor yaalla howlo qaran oo badan, kuwaas oo ay ugu horreyso inuu soo dhiso gole wasiirro oo awood u leh qabashada howlaha fulineed ee dowladda Soomaaliya. Waxaa looga fadhiyaa inuu qorshe u sameeyo wax ka qabashada dhibaatooyinka daba-dheeraaday ay haysta shacabka Soomaaliyeed ee isugu jira nabad-gelyo la’aanta, shaqo la’aanta, adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada oo maqan, faqriga iyo jahliga.

Maamullada dalka ka jira iyo kuwa lagu wado in la dhiso isku xirkooda ayaa sidoo kale ka mid ah howlaha horyaalla raysul wasaaraha cusub.

About SomDaily

4 Comments

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins