Nairobi: Saddex askari oo qaraxyo lagu dhaawacay

By on October 12, 2012

Taliyaha saldhigga booliska Bangaani, Boniface Musyoka waxaa dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Gurunanak ee Nairobi / Daily Nation

Laba qarax oo caawa ka dhacday xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayay ku dhaawacmeen saddex askari oo uu ku jiro taliyaha booliska saldhigga Bangani.

Qaraxyada oo ay daqiiqado u dhaxeeyeen ayaa midkood waxaa lagu tuuray baar lagu caweeyo oo ku yaalla agagaarka waddada Muratina Road, halkaas oo qaraxii labaad uu ka dhacay markii ay ciidamada booliska gaareen, sidaasna uu dhaawacooda ku yimid.

Taliyaha dhaawacmday, Boniface Musyoka ayaa la socday askar u soo gurmatay goobta uu qaraxa hore ka dhacay, waxaana dhaawaciisa oo ahaa mid fudu loo qaaday isbitaal u dhow saldhigga Bangaani.

Taliyaha booliska ee Nairobi, Moses Ombati ayaa u sheegay bogga wargayska Nation in qaraxa uu ahaa Aalad Qaraxda oo la sii  diyaariyay, taas oo lagu qarxiyay aalad kale laga hagayay (Remote Control) oo ay suuragal tahay inuu Mobile ahaa.

Qaraxyada caawa waxay ka dhaceen meel aan ka durugsanayn kaniisadda St Polycarp oo laba toddobaad ka hore qarax lagu weeraray uu ku dhintay canug 9-jir ahaa, halka carruur kale oo casharro halkaas lagu siinayay ay ku dhaawacmeen.

Toddobaadkii hore, booliska Nairobi ayaa shacabka uga digay inay isugu soo baxaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, isagoo sheegay inay hayaan macluumaad la xariira in al-Shabaab ay qorshaysay inay qaraxyo labaad oo miisaan leh ay ka gaystaan goobaha ay weeraraan marka ay dadka isugu soo baxaan.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins