Orodkii Saamiya

By on October 13, 2012

Saamiya: Geesiyad qaran oo la gabay

Qeybta labaad

Orodkii Saamiya

Bishii July, 2008 Saamiya Yuusuf waxay ahayd gabadhii Soomaaliya uga qeyb gashay cayaarihii Olympic-da adduunka ee lagu qabtay magaalada Beijing ee dalka China. Waxay ahayd 17 jir, kalsooni badan oo ay nafteeda ku qabtay ayaa ka muuqatay, waxay rumeysnayd inay natiijo wax ku ool ah dib ugula noqon doonto dalkeeda.

Tartanka 200 meters ayay orodday waxayna siddeed ilbiriqsi oo keliya ka dambeysay gabadhii u ordaysay dalka Koonfur Afrika. “Waxay noo ahayd muhiim, waayo waxaan kor u qaadeynay oo aan luleynay calankeenna, aad ayaan u faraxsanahay” ayay Saamiya ku tiri wareysi ay markaas siisay Yahoo Sports.

Arrinta la-yaabka leh waxay ahayd cayaarihii Olympic-da ee lagu qabtay Beijing Saamiya lama socon tababare, iyada iyo cayaaryahan kale oo orodka 5000 meters uga qeyb galayay Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdinaasir Saciid Ibraahim iyo mas’uuliyiin ka socotay guddiga Olympic-da Soomaaliya ayaa meesha tegay.

Cabdi Bile Cabdi oo ah orodyahankii Soomaaliya u qaaday billadda dahabka ah sanadkii 1987-kii ayay Saamiya kula kulantay Beijing wuxuu markaas tababare u ahaa dalka Sacuudiga. Mar aan waydiinnay waxa uu ku xusuusto kulankiisii Saamiya wuxuu Cabdi Bile noo sheegay inay ahayd gabar ay deggenaan ka muuqato oo asluub leh oo ku hamminaysay inay dalkeeda meel uga soo baxdo calankeedana ay dhulka ka qaaddo iyadoo ay ku gadaannaayeen duruufo waaweyn.

August 2010 waxay ka qeyb gashay horyaalkii oroddada Afrika ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib waxay dib ugu noqotay magaalada Muqdisho oo ay markaas ka socdeen dagaallo culus. Waxay magaaladu ku jirtay mid ka mid ah sanadihii ugu xumaa ee soo maray, dad badan baa ku dhimanayay dagaallada, qaraxyada iyo madaafiicda.

Orodyahannada dalalka kale ee ay wada tartameen waa loo sacbiyaa marka ay waddooyinka dalalkooda dhex marayaan, laakiin Saamiya waxaa ku adkaatay inay muujiso inay tahay geesiyaddii calanka Soomaaliya la baratansiisay calamada kale ee adduunka, waxaana taa beddelkeeda la soo gudboonaaday caqabado u diiday inay sii wadato tababarradeedii iyo cabsi ah in la dilo, kaddib waxay bishii October ee sanadkaas go’aansatay inay dalka ka baxdo, waxayna tagtay Itoobiya oo ay deggeneyd habaryarteed.

Fursadihii ay Muqdisho siin waysay bay ka raadsatay Addis Ababa. Wuxuu ku talagalkeedu ahaa inay isku diyaariso cayaaraha Olympic-da ee 2012. Tababarro ku filan inay hesho bayna doonaysay.

Macallin dhinaca orodka ah oo Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Eshetu Tura oo horay u ahaa orodyahan ayay la kulantay waxayna ka codsatay inuu caawiyo, maadaama aanay macallin haysan. Wuxuu markaas laylinaayay koox da’yar ah oo loo diyaarinaayay qaranka Itoobiya. dareenka xirfaddeeda waa uu is beddelay markii ay tagtay Addis Ababa, waxaa ka baa ba´day cabsidii badneyd. si xor ahna bulshada waxay ugu muujin jirtay in ay tahay gabar orodyahanad ah oo dhowr waddan u aadday cayaaraha orodka.

Eshetu wuxuu qiray in aanu horay u maqal gabar Soomaaliyeed oo orodyahanad ah, oo heer ka gaartay cayaaraha fudud. Wuxuu Saamiya u sheegay in uu aqoon wanaagsan u leeyahay, isla markaana uu si weyn u xushmeeyo orodyahanno hore oo Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Macallin Jaamac Aadan Karaaciin oo heer fiican gaarsiiyay cayaaraha fudud ee dalka Sudan, oo si weyn looga  qaddariyo dalkaas iyo Maxamed Suleymaan, oo ah orodyahankii dalka Qatar u qaaday abaal-marintii ugu horreysay ee Olympic-da adduunka. Wuxuu u soo jeediyay inay la xiriirto labadaas nin ee ku waddanka ah.

Saamiya waxay tababare Eshetu Ture u bandhigtay hammigeeda meesha uu gaarsiisnaa iyo waxyaabihii ay markaas awoodday ama wixii dedaal ahaa ee ay gacanta ku haysay. Waxay u caddeysay in aysan haysan tababare ayna ku cusub tahay Itoobiya, iyadoo ka codsatay inuu ugu tabarruco tababarro.

Ture wuu ka caga-jiiday inuu Saamiya siiyo jawaab degdeg ah, sababtoo ah ma aysan haysan cid damaanad-qaadda dhaqaalaha ku baxaya tababarkeeda sida; dharka, caafimaadka, cuntada iyo ceymiska. Waxaa intaas dheeraa in aanay buuxin karin shuruudaha laga rabo gabadha ku tababaraneysa Addis Stadium iyo inaanay haysan oggolaansho shaqo oo ay dalka ku joogto. Si loogu diiwaangeliyo inay tahay ardayad tababarata waxay ugu yaraan u baahnayd inay warqad ka soo qaadato safaaradda Soomaalida ee magaalada Addis Ababa.

Eshetu Tura isagoo xushmeynaya aqoonta uu u leeyahay halyeeyada dhinaca orodka ee Soomaaliya ayuu Saamiya markii dambe ka oggolaaday inuu tababarro siiyo toddobaadkii saddex jeer. Mar aan la xiriirnay isagoo Addis Ababa jooga wuxuu yiri: Saamiya waxay kooxdayda la tababaratay hal maalin oo keliya, kaddib ma aysan nagu soo noqon. Ma aqaan runtii waxa ku dhacay iyo meesha ay aadday.

Saamiyaha tababarro way ku qaadatay Itoobiya, laakiin waxaa isweydiin mudan haddii uu Tura sidaas leeyahay, xaggee bay ku tababaran jirtay Saamiya?

La soco qeybta saddexaad Sabtida soo socda, inshaa Allaah

W.D: Abdirahman Osman (Careys)

Bahda SomDaily

About SomDaily

4 Comments

  1. Imran Hared

    October 13, 2012 at 8:32 pm

    GOS waa hey’ada ugu musuqmaasuqa badan inta Dalka ka jirta, inta dhimatay Allaha u naxariisto inta nool waa in si dhaqsi ah Cadaalad loo horkeenaa, horta Xiriirka kubada Cagta warkiisa ha sheegin dad gooni ah ayaa iska maamulan jiray hadane dadki qaar iminka ka nool ayuu gacanta ugu jiraa, Naadiyaasha ma helaan kistii FIFA ugu talagagashay Marka kaliya ee doorasha soo dhawdahay ayuu xiiriirka waxuu lacag siiyaa gudoomiyayaasha Naadiyada si ey dib ugu doortaan! Garsoor Toosan hadii la helo musuqaan wa iska dhamaanayaa.. Saamiya illaahey ha u naxariisto Waxa kaliya ee la gudboon Xiriirka cayaaraha Fudud waa ineey Saamiya u sameeyaan Wax lagu Xasuusan karo si ey ugu noqoto gambaleel mar walba dhawaaqaya hadii laga gaabiyo daryeelida cayaaryahanadeena.

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins