Xaliifa Ayaan oo Soomaaliya u matalaysa tartan quruxeed

By on October 31, 2012

Xaliifa Ayaan Yuusuf.

Xaliifa Ayaan Yuusuf ayaa Soomaaliya u matali-doonta tartanka quruxda gabdhaha Bariga Afrika oo 7-da bisha December ee sanadkan lagu qabanayo hoolka Limani City ee magaalada Darusalaam (Tansaaniya).

Xiriiriyaha tartanka, Rena Callist ayaa sheegtay in Xaliifa Ayaan oo ah 21-jir ku dhalatay magaalada Hargaysa ay diyaar u tahay inay tartan goboleedka u matasho Soomaaliya.

Waxay la tartami doontaa Jocelyne Diana Maro (Tanzania), Akuot Philip Suzan (Southern Sudan), Rahwa Afeworki (Eritrea), Lula Teklehaimanot (Ethiopia), Mugisha Nadege (Burundi), Annabelle Marvel Pointe (Seychelles) iyo Ayisha Nagudi (Uganda), kuwaas oo dhammaantood tartanka kama dambaysta ah isugu soo haray.

Tartanka oo wareeggii ugu dambeeyay maraya, waxaa markii hore isku diiwaangalisay 3,120 qof oo ah tartameyaal ka kala socday 16 dal oo kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Ethiopia, Eritrea, Somalia, Djibouti, Southern Sudan, Malawi, Seychelles, Madagascar, Reunion, Comoros iyo Mauritius.

About SomDaily

One Comment

  1. Shirey

    November 12, 2012 at 5:44 pm

    Asc marka hore waan in salaamay waxaan kufaraxsanahay in tartanka aan kaqeeb galna sharafna utahay somalida oodhan waxaan rajeynayaa in aay kusoobaxdo gabadha somaliyeed by

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins