- Dhalasho Farxad lehPosted 3 days ago
- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 88 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 96 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 100 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 100 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 103 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 105 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 105 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 107 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 107 days ago
Buug warbaahineed af-Soomaali ah oo lagu soo bandhigay Pakistan
Xaflad lagu daah-furayay buug lagu magacaabay Wehelka Weriyaha oo ay ku qoran yihiin casharro la xiriira warbaahinta oo af-Soomaali ah ayaa shalay lagu qabtay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.
Buugga oo si faahfaahsan uga hadlaya qodobbo warfaafinta khuseeya oo waxtar u leh weriyeyaasha Soomaaliyeed waxaa qoray Cabduqaadir Cabdullaahi Cismaan (Farayaamo), waxaana xafladdii lagu daah-furayay ka qeyb galay ardayda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Karachi.
Qoraaga buugga ayaa sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo in weriyeyaasha Soomaaliyeed ay helaan tababarro ku saabsan qoraalka aasaasiga ah, qoraalka wararka, anshaxa warfaafinta, dowrka weriyaha iyo sixidda qaladaadka farsamo ee soo noqnoqda uu go’aansaday inuu billaabo ururinta xogta buugga, isagoo tilmaamay in khibrad uu u leeyahay mihnadda iyo fursad jaamacadeed oo uu helay ay ka caawiyeen inuu ogaado soona bandhigo waxyaabaha ay u baahan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Cabduqaadir Farayaamo ayaa sheegay inuu buugga ku soo beegay xilli ay u baahnaayeen warfidiyeennada Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu ku hanweyn yahay inuu gaaro magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay shirkadda daabacday buugga oo lagu magacaabo SCANSOM PUBLISHERS, taasoo uu tilmaamay inaysan wax shuruud ah ku xirin daabacaadda buugga, kaddib markii ay garowsatay codsi uu u gudbiyay oo ahaa inay caawiso warbaahinta Soomaaliya.



