MIISAAL (GABAY)

By on November 21, 2012

Abwaan Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabaygaan oo uu magaciisu yahay “Miisaal” waxa uu bixinayaa tusmo iyo tusaalooyin ka bixinayaa nolosha adduunyada, waxa uu taabanayaa arrimaha dalka oo ay la degtay nabad la’aanta baahsan, barakac iyo dhibaatooyinka kala duwan ee dunida ku haysta shacabka Soomaaliyeed, gabayga oo uu tiriyay abwaan Maxamed Cilmi Dhicisow waxa uu jawaab u yahay una marag furayaa gabaygii uu curiyay abwaan Cabdiraxiin Hilowle Galleyr ee magaciisu ahaa “Midnimo”.

1. Ma’da gabay Galleyrow marbey, ii macaanayd’e
2. Mugdibaase galay maalmahan iyo masuug weyne
3. Muusiggiyo markii mudan la sii, mala’awaaleysi
4. Murti iyo markii meel la dhigay ,eray macaanaysi
5. Maankayga waataan ka jaray, miinka maansada’e
6. Waa maadays adduunaan lahaa, yaw ku maalicine
7. Cibaadada muhiimsaan lahaa, mawle uun tuuge
8. Magaalaba ka guur baan lahaa, oo miyiga aade
9. Mashquulkeeda dhaaf baan lahaa, muran adduunyaad
10. Hay yeeshee markaad tirisay baan, mooralkeed helaye.

11. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
12. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo, miilka gugucii dhe
13. Miisaal adduun iyo murtiyo muhandis waayeel dhe

14. Mar haddii muraad yahay midnimo, ma hurto weeyaane
15. Mid waxaan ka iri meertadiyo, dunida meegaaran
16. Mid waxaan ka iri maamulkiyo, magaca Soomaali
17. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydiiye.

18. Mid waxaan ka iri meertadiyo, dunida meegaaran
19. Macna ma leh adduunyadu hadday, nabaddu miidayne
20. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu hagayn maane
21. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu midoobayne
22. Macna ma leh adduunyadu hadday, macallin kuu noqone
23. Macna ma leh adduunyadu haddaan, midig la maaleyne
24. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga macaashayne
25. Macna ma leh adduunyadu hadday, kaa maciintahaye
26. Macna ma leh adduunyadu haddaad, muuq lahayn wacane
27. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga masaafoone
28. Macna ma leh adduunyadu haddaad, magan ku joogtaaye
29. Macna ma leh adduunyadu, hadday tahay masiibaade
30. Macna ma leh adduunyadu haddaad, madi ku nooshahaye
31. Macna ma leha adduunyadu haddii, lagu masuugaaye
32. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lays mataanayne
33. Macna ma leh adduunyadu haddaan, lagu makaanayne.
34. Macna ma leh adduunyadu haddaan, laga muraadayne
35. Macna ma leh adduunyadu haddaan, miirku meel dayine
36. Macna ma leh adduunyada haddaan, mulul la daayayne
37. Macna ma leh adduunyadu haddey, meel cidlaa taale
38. Macna ma leh adduunyadu haddii, laga muhaajiriye
39. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mooggan uun tahaye
40. Macna ma leh adduunyadu hadday, murugo kuu taale
41. Macna ma leh adduunyadu haddaw, qaranku maaloobo
42. Macna ma leh adduunyadu haddaad, mala’awaalowdo
43. Macna ma leh adduunyadu haddaw, magacu kaa mayrmo.

44. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
45. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo, miilka gugucii dhe
46. Miisaal adduun iyo murtiyo muhandis waayeel dhe

47. Mar haddii muraad yahay midnimo, ma hurto weeyaane
48. Mid waxaan ka iri maamulkiyo magaca Soomaali.
49. Maskax dooran, midigtoo hagtiyo, maan wax garanaayo
50. Maamulkiisu duulkow adkayn, ma laha towfiiqe
51. Anaa mudan, anaa maaggan iyo aniga ii miila
52. Masdarkii markii laga tageey, melegtey xaajaduye
53. Saw waxa maqaamkaan na dhigay, muranya dood maaha?
54. Mas’alooyin waydiimo mudan, erayo miisaaman
55. Dhulka miiggan ee mudan haddana lagu masaafoodo
56. Xadka magacan ee madax bannayn ee la maamulayo
57. Badda iyo marriimada, maraakiibta kala goosha
58. Macdanta aan la miisaamine, Mareykan loo dhoofsho
59. Muqdisho, Hargaysiyo, Berbera madasha Buuhoodle
60. Magaalada Kismaayiyo Markiyo muuqa Beledweyne
61. Moqokori, Maxaas iyo ilaa ceelka Mahaddaaya
62. Shanta kala maqnaydiyo dhammaan, midabka Soomaali
63. Miyaydaan arkayn waayihii, nagu mahiibeene
64. Miyaydaan arkayn maandeeq iyo, mayle lala guurye
65. Miyaydaan arkeyn maalka ba’ay maraqa ciidoobay?
66. Miyaydaan arkayn muunaddiyo, sharafta meel beeshay?
67. Miyaydaan arkeyn maatadiyo, maxasta Soomaali?
68. Miyaydaan arkayn mucurtidiyo, baahiyaha muuqda?
69. Miyaydaan arkayn hooyadiyo, ubadka miir-beelay?
70. Miyaydaan arkayn mililka iyo, malaxda miiraysa?
71. Miyaydaan arkayn ceelka dumay, moolka lagu daatay?
72. Miyaydaan arkayn muruq shishiyo, micidan noo duugan?
73. Gumeystuhu haddaw kugu muq baxo, waw ku malafsaniye
74. Macdantiyo haddaw kaala harin, muunaddiyo maanka
75. Madfac haadaya nimaw maraw, maanku tegin weeye.

76. Afartaa oraah miiddanoo mudan, maqaamkeed dhe
77. Mayey da’ay cirkoo soo curtiyo, miilka gugucii dhe
78. Miisaal adduun iyo murtiyo mu’handis waayeel dhe

79. Mar haddii muraad yahay midnimo , Ma hurto weeyaane
80. Midna waxaan ka iri maansadiyo, meheraddaydii dhe.
81. Mas mariidan ninka meel dhigtee, maraqa siinaaya
82. Mindhismaha nin soo dhigay wedkiyo mulaca laalaaban
83. Nin maroodi daajinahayoo, daba mislaynaaya
84. Mahuriyo ninkaan kala aqoon malaku-mowdkiisa
85. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan
86. Nin qaxooti mayracanayoo, qaranki maasheeyay
87. Meseggiyo musaacado nin uun, maganta tuugaays
88. Muruqiyo nimaan aaminayn, midigta maalkiisa
89. Maslaxiyo nimaan kala aqoon, maara iyo mawqif
90. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan
91. Magalooti nin maqsuud ka yiri, dunida meegaaran
92. Masjidkiyo nimaan magansanayn, mowlac iyo meelsan
93. Xaaraan, mubaax iyo nimaan, kala aqoon muuno
94. Oo munaafaqayntiyo ku dheer mowjadaha beenta
95. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan
96. Mujtamaceenna Soomaaliyee, muranka dayn diiday
97. Maalin Eebba keenaba dadkaan, macangaglaynaaya
98. Majaraha in loo rogahayoo, miino lagu raadin
99. Miihaaladoodiyo ma oga, maan mushkiladeede
100. Allow yaa u meeriya intaan, lagu misaal qaadan.

Maxamed Cilmi Dhicisoow
elmi_0@hotmail.com

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins