- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 59 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 67 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 71 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 71 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 74 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 76 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 76 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 78 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 78 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 87 days ago
Noloshii Saamiya ee Liibiya
Saamiya: Geesiyad qaran oo la gabay
Qeybta shanaad
Noloshii Saamiya ee Liibiya
Liibiya oo ku jirta xaalad kacsaan ah oo ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeyay dowladdii Macammar Al-Qadaafi iyo kooxihii fallaagada ahaa ee ka soo horjeeday ayay ku beegmeen Saamiya iyo kooxdii la socotay, waxaana afduub u qabsaday nin mukhalas ah oo u dhashay dalka Chad sidii aan ku soo sheegnay qeybtii hore.
Saamiya habaryarteed Maryan waxay noo sheegtay in lacag gaareysa 300 Doollar loo soo diray, kaddib markii ay la hadashay qoyskeeda, kaddibna waxay lacagtaas madax-furasho u siisay mukhalaskii ay u afduubnayd.
Najma Cumar oo haatan ku nool Jasiiradda Malta waxay wax badan ka ogtahay noloshii Saamiya Yuusuf ee Liibiya. Bishii August ee sanadkii hore 2011 ayay isku arkeen Liibiya, way saaxiibeen, waxayna wada socon jireen maalin kasta ilaa ay ugu dambeyn hal doon wada raaceen.
Saamiya iyo Najma waxay ku walaaloobeen dhibaatadii ay kula kulmeen safarkii tahriibka ay ugu diyaar garoobayeen ee dalka Liibiya. Najma waxay noogu deeqday sawirradii ugu dambeeyay ee ay Saamiya ku gashay Liibiya iyo Itoobiya.
Labada gabdhood waxay markii ugu horreysay koowdii August 2011 isku arkeen magaalo lagu magacaabo Sabha oo Koonfur-galbeed kaga taalla Liibiya, halkaas oo ay ku noolaayeen muddo bil ah, kaddibna waxaa iyagoo 105 qof oo Soomaali ah la keenay magaalo kale oo lagu magacaabo Gharyan, waxaa gacanta ku hayay sarkaal Liibiyaan ah.
Xilligaas dadka madowga ah waxay haliso badan ka soo wajihi jireen jabhadihii la dagaallamayay dowladda oo aaminsanaa in ay Afrikaanka u dagaallamaan Colonel Qadaafi, wayna dili jireen haddii ay qabtaan dadka madowga ah. sarkaalkii wuxuu dadkii tahriib-doonka ahaa u wacay safaaradda Soomaalida, isagoo qunsulkii safaaradda ka codsaday inuu dadkaas soo doono sida ay noo sheegtay Najma.
Waxaa soo doonay oo Tripoli u sii qaaday Muxyadiin Maxamed Kaalmoy oo ahaa qunsulkii Soomaaliya ee Liibiya. Bishii October 2011 ayaa waxaa la geeyay xero ay Soomaalidu isku urursaneysay oo lagu magacaabo Dacwu-Salam. Waa meel la isku diyaariyo marka loo baxayo tahriibka badda.

Saamiya Yuusuf Cumar – intii ay joogtay Liibiya
Dad gaarayay 260 qof oo ay ku jireen Saamiya iyo Najmo waxay aadeen tuulo u dhow deegaannada xeebta leh ee doonyaha laga raaco, taas oo lagu magacaabo Ceynu-suura. Najmo waxay noo sheegtay in laga qarin jiray dadka deegaanka oo haddii ay ogaadaan in dad tahriib ah ay meesha ku dhuumanayaan ugu yeera askarta.
Koox koox ayaa loo qeybiyay, iyadoo doontii ugu horreysay ay qaadday 45 qof, mar ay sugayaan doontii xigtay ayaa waxaa murmay gabar Soomaali ah iyo nin Carab ah oo mukhallas ahaa. Qeyladii waxaa maqlay nin reer miyi ah oo ari la joogay, kaas oo markiiba wargeliyay askarta, “nasiib-xumaddeenna waxaa naloo dhaadhiciyay xabsiga” ayay tiri Najma.
Saamiya iyo Najmo waxay ka mid noqdeen dadkii la xiray, waxay ku wada jireen hal qol oo xabsiga ka mid ah muddo 15 cisho ah, markii dambase waxaa soo daayay qunsulkii Soomaalida.
Bad-xiran baa billowday, waxayna Najma iyo Saamiya ku tashadeen inaysan bixin ilaa laga gaarayo xilliga bad-furanka, waxayna ku noolaayeen xero qaxooti oo lagu magacaabo Dacwu-salaam.
Saamiya iyadoo xaaladdaas ku sugan ayay subax kasta sameyn jirtay orod, taas oo ku tuseysa sidii ay uga go’nayd inay heer ka gaarto cayaaraha. “Waxay ahayd qof nolosheydii qeyb muhiim ah uga jirta oo aan weligey hilmaami karin” ayay tiri Najmo.
Mar aan waydiinnay wixii ay Saamiya inta badan ku hammin jirtay ama uga sheekeyn jirtay intii ay wada joogeen Liibiya, waxay tiri Najmo: Waxay aad u jecleyd inay heer ka gaarto cayaaraha oroddada, waxay ku fikireysay inay ka qeyb gasho cayaarihii Olypmic-da ee lagu qabtay London. Aniga waxaan xiiseyn jiray warbaahinta iyadana isboortiska – waxaan xusuustaa habeen ay igu tiri ‘anigoo orodka ku guuleystay cayaaraha London iyo adigoo weriye ah ayaad I wareysan doontaa’.
Nasiib-darro waxay Najmo goobjoog ka ahayd geeridii saaxiibteed Saamiya, welina ma aanay illoobin murugadii dhacdadaas, waxay noo sheegtay inay habeenno badan hurdada ka soo anfariirtay iyadoo ku qarweysa shilkii ay ku dhimatay Saamiya. “Gabar dabeecad wanaagsan leh oo uu qof kasta jecel yahay bay ahayd” ayay tiri.
La soco qeybta lixaad, inshaa Allaah
W.D: Abdirahman Osman (Careys)
Bahda SomDaily


11 Comments