XERO SHAYDAAN (Sheeko taxane ah)

By on November 30, 2012

SomDaily waxay idin billaabeysaa sheeko cusub oo lagu magacaabo Xero Shaydaan, taas oo noqon doonta taxane aad bogga ka akhrisataan Jimco kasta hadduu Alle idmo.

Waa sheeko bulshada ka wacyigelinaysa halista nololeed iyo diimeed ee uu faalku leeyahay. Haddii aad wax talo ama tusaale ah u hayso waxaad u soo diri kartaa bogga SomDaily (somdaily@gmail.com) ama qoraaga sheekada Cabdullaahi Siyaasi oo uu emailkiisa uu ku qoran yahay meesha hoose.

HORUDHAC

Magaca Ilaahay ee naxariista guud iyo midda gaarka ah leh baan ku billaabay.

Sheekada Xero Shaydaan waa mid dhab ah oo ku dhacday nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah, kaas oo aan mar muddo gaaban wada deggenayn guri ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.

Sheekadu waxay ka hadlaysaa taariikh kooban oo khuseysa nolosha Daahir Guuleed oo ka mid ahaa dhalliyaradii sanadihii toddomaatameeyadii u shaqo-doonatay dalalka Khaliijka ee dhulkooda uu qaniga ku yahay batroolka. Daahir wuxuu ahaa nin afgaaban, aad iyo aadna u hadal yar , kolkuu warramayana ay aad ugu adag tahay ruuxa uu la hadlayo in uu maqlo hadalkiisa. Daahir yaraantiisa wuxuu ahaa goonni u socod iyo nin firfircoon oo aad u fikira, kuna dedaala in uu ku horumaro xagga waxbarashada, si uu u helo ama u gaaro mustaqbal wacan, laakiin nasiib-darro taa uma suurtagelin, arrimaha mustaqbalkiisana siduu jeclaa uma ahaanin.

Daahir sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u ixtiraama waalidkiis, aadna uga warhaaya sida ay ula soo tacaalleen ama u soo barbaariyeen iyo jacelka ay u qabaan inay arkaan wiilkooda oo mara waddadii uu ku gaari lahaa adduunyo iyo aakhiro wacan.

Daahir Guuleed muddo gaaban gudahood wuxuu ku bartay waxyaaba badan oo aanan noloshiisa horay u soo marin ,wuxuuna sheekadan dhamaadkeeda nasiib u helayaa in uu guursado Qamar Shariif oo uu Ilaahay calaf uga dhigay, sababna u noqotay in uusan ku sii socan waxyaabo badan oo sabab u noqon karay in uu ku fashilmo noloshiisa xag adduunyo iyo mid aakhiraba.

Sheekadan waxaa kale oo ay si kooban uga hadlaysaa dhibka weyn oo ay nolosha ummadda Soomaaliyeed  iyo ummadaha kaleba ay ku heyso la xiriirka faaliyeyaasha iyo kuhanada noocyadooda kala duwan.

Waxay sidoo kale sheekadu indha-fur u tahay dadka aan arrimahaas iyo dhaqamada faaliyeyaasha guud ahaan ka heysan fikir ballaaran, isla markaana aanan ka warqabin in ay tahay dembi weyn oo xitaa looga bixi karo diinta Islaamka marka loot ago ama la rumeysto faaliyeyaasha.

Ma rabo in aan ku sii dheeraado faallada kooban  ee ku saabsan nolosha Daahir Guuleed ,waxaansa aad u rajeynayaa in ay dad badan ka helaan faa’iidooyin kala duwan oo wax weyn ku soo kordhin kara khibraddooda nololeed.

AFEEF: magacyada ku jira sheekada ma ahan kuwi dhabta ahaa ee dadkii ay soo martay, waa magacyo la mala-awaalay.

Akhris iyo la socod wanaagsan

W.Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Cabdullaahi Siyaasi)

Email: Moallem10@hotmail.com.

About SomDaily

Social Widgets powered by AB-WebLog.com.

Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins