- XERO SHAYDAAN (saddex iyo tobnaad)Posted 56 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta laba iyo tobnaad)Posted 64 days ago
- Shuban-biyood ka dillaacay Xabsiga Dhexe ee XamarPosted 68 days ago
- Heshiiska Puntland iyo dowladda federaalka ahPosted 68 days ago
- XERO SHAYDAAN (Qeybta 11-aad)Posted 71 days ago
- Soomaaliya oo laga qaaday cunnaqabateyntii hubkaPosted 73 days ago
- Doorka warbaahinta Kenya iyo doorashadaPosted 73 days ago
- Raysul wasaaraha oo ballan-qaad u sameeyay Ahlu SunnaPosted 75 days ago
- Haweenay lagu dilay MuqdishoPosted 75 days ago
- Mo Farah: Saamiya waa la dayacayPosted 84 days ago
XERO SHAYDAAN (Qeybta koowaad)
Waxay ahayd maalin aad u kulul, waa sanadkii 1978-kii, bishuna waa August. Daahir Guuleed Cali wuxuu maalintaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Malik Cabdulaziz ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya. Waa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya.
Markii ay diyaaraddu soo caga-dhigatay garoonka, waxaa Daahir iyo rakaabkii kale ee la socday loo gudbiyay dhinaca waaxda socdaalka ee garoonka, markii ay waaxdaas soo mareen kaddib Daahir wuxuu bannaanka madhaarka ugu yimid tagaasi u diyaar ah qaadista rakaabka la socda diyaarad kasta oo garoonkaas ka soo degta ee ku sii jeeda magaalada Jeddah iyo deegaannada u dhow dhow ama magaalada Makkah oo ay inta badan dadka muslimiinta ah u tagaan gudashada sunnadda Cimrada.
Daahir waxaa ku billowday welwel iyo sidii uu ku tegi lahaa cinwaanka keliye ee uu watay, kaddib markii uu aad uga naxay wadayaashii tagaasida oo u sheegay inay xaafadda Kilo-Sabca ku gaynayaan (50 Sr) kontan riyaal oo ah lacagta Sacuudiga, cimiladu way kululeyd waxaana Daahir wejigiisa ku soo dhacayay hanfi kulul oo aad u xooggan. Waxaa maankiisa hareeyay oo kuleylka hilmaansiiyay ka fikirka sidii uu ku tegi lahaa xaafada Kilo-Sabca oo ay Xamar uga soo tilmaameen dhallinyaro ay xaafadda wada deggenaayeen oo horay u yimid magaalada Jeddah.
Wuxuu ahaa nin afgaaban, aad iyo aadna u hadal yar, kolkuu warramayana ay ku adag tahay qofka uu la hadlayo in uu maqlo. Daahir yaraantiisii wuxuu sidoo kale ahaa goonni u socod iyo nin firfircoon oo aad u fikira, kuna dedaala in uu horumar ka gaaro waxbarashada, si uu u helo ama u gaaro mustaqbal wacan, laakiin nasiib-darro taa uma suurtagelin, sababtuna waxay tahay reerkiisa oo aan deggenayn magaalada Muqdisho oo uu ka dhiganayay jaamcad iyo reerkii uu ku soo degay oo ay aad u liidatay wax haysashadooda ama dhaqaalahooda.
Daahir wuu ku hungoobay gaaridda riyadiisii wacnayd iyo in uu waxbarashada
dhammaysto, dhaqaale-xumo soo wajahday darteed wuu kari waayay inuu dhaafo qeybta afaraad ee fasalka labaad ee jaamacadda Gaheyr oo uu ka baranayay maaddada sharciga. Fakir dheer kaddib waxaa u soo baxday in uu u shaqo tago dalka Sacuudi Carabiya oo ragga da’adiisa ah ay ku sii qulqulayeen xilligaas, dhaqaalihii waddanka oo aad u xumaaday awgii iyo dowladdii jirtay oo ku fashilantay in ay abuurto shaqooyin iyo ilo dhaqaale oo kor u qaadi kara dakhliga dadyowga Soomaaliyeed.
Daahir markii uu in yar taagnaa garoonka diyaaradaha bannaankiisa, lacagtii uu gacanta horay ugu soo qaatayna aynan ka badnayn toban riyaal (10 Sr, talana ay ku dhanaan tahay iyo sidii uu ku gaari lahaa kilometer toddoba (Kilo Sabca), waddada Maka ee magaalada Jeddah, oo ay ku badan tahay Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan kuwooda ka yimaada koonfurta Soomaaliya.
Wuxuu meeshii taagnaadaba waxaa ku soo baxay wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah, oo horay u joogay Sacuudiga, kaas oo garoonka maalintaa u yimid in uu ku soo dhoweeyo aabbihii oo u imaanayay Cimro, balse aan la socon diyaaradda uu khabarkeeda qabay in uu aabbihiis la imaanayo.
Wuxuu ku soo leexday Daahir oo uu gartay in uu yahay Soomaali, wejigiisana wuxuu ka dareemay murogo, “walaal maxaa meesha ku taagay?” ayuu waydiiyay. Wuxuu Daahir ku jawaabay “walaal lacagta ay tagaasidu doonayso in ay igu geyso halkii aan ku socday ma haysto, sidaas ayaana halkan u taagnaa, tala kalena ma haayo, balse walaal waxaan filayaa in aad adiga iga caawin doonto sidi aan xal ugu heli lahaa arrinta ila soo gudboonaatay, maadaama ay kaa muuqato in aad tahay nin horay u joogay dalkan, oo waaya-aragnimo u leh, sida looga bad-bixi karo dhacdadan oo kale”…
La soco toddobaadka dambe….
W.Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Cabdullaahi Siyaasi)
Email: Moallem10@hotmail.com.
